Dowlada dalka oo lagu eedeyay in aysan la shaqeynin maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC-da

Dowlada dalka ayaa lagu eedeeyay in aysan la shaqeynin maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC-da xili ay socotay Maxkamadeyntii Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Warbixintan ka soo baxday ICC-da ayaa daba socotay xilli maxkamadaasi ay kulan ka yeesheen arrintan.

Waxa hadda dowlada dalka lagu eedeynaya in aysan la shaqeynin xaakinada maxkamadda taas oo la xiriirta in aysan soo saarin maclumaadkii laga rabay si ay u sahlanaato maxkamdeyntii Uhuru Kenyatta.

Madaxa dacwada oogayaasha maxkamadaasi fadhigeedu yahay Magaalada Hague Fatou Ben Souda ayaa goor sii horeysay dacwad ka gudbisay dowlada dalka bishii November ee sanadkii 2013-kii waxayna waqtigaasi dooneysay Maxkamadaasi in ay Kenya u aqoonsato dalka aan la shaqeynin.

Maxkamadaasi ayaa ku gacan seyrtay dacwadi ka timid Fatou bin Souda 3-dii bishii dacember ee sanadkii 2014-ki balse bensooda ayaa racfaan ka qaadatay go’ankaasi taas oo hadda dhigeyso in warbixintaasi loo gudbiyo ururka xubnaha ka ah dhisida Maxkamadaasi.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa loo maxkamadeynaayay shan dacwadooda oo ka dhan ah in uu meel uga dhacay xuquuda biniaadanka intii ay socdeen qalalaasihii dalka ka dhacay doorashadii 2007-di kadib.

Laakinse kiiskaasi ayaa daaqada laga tuuray 13-kii bishii sedexaad ee sanadkii la soo dhaafay ee 2015-ka iyado maxkamadaasi ay sheegtay in loo goodiyay marqaatiyadii dacwadaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *