Kenya oo Somalia kula dagaalameysa xadka badda

Maxkamadda caalamiga ah ee qaada dacwadaha u dhexeeya dowladaha ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee wadanka Netherlands ayaa lagu wadaa in ay maanta bilowdo dhageysiga dacwad la xiriirta muranka xuduuda badda ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Dowladda Kenya ayaa magaalada Hague u dirtay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Dr Githu Muigai si uu dagaal dhinaca sharciga ah ugu galo in ay Kenya ku guuleysato kiiskaasi.

Sidoo kale dowladda Soomalia ayaa dhankeeda dalka Netherlands ama Holan u dirtay gudi uu hoggaaminayo xeer ilaaliyaha guud ee Somalia Dr. Axmed Cali Daahir, si ay dagaalka xaga sharciga u galaan.

Sanadkii 2014-ki ayey ahayd markii ay dowladda Somalia dacwad ka dhan ah Kenya, oo ku aadan muran xuduudeedka badda.

Xadka badda ee ay labada dal isku heystaan ayaa ah meel ay ku jiraan kheyraad badan oo dabiici ah oo ay ka mid tahay saliid uu tankeeda aad u badanyahay.

Maalmaha soo socda ayuu socon doonaa dhageysiga kiiska, waxana la filayaa in ay maxkamadda caalamiga ah go’aan ka soo saarto cidda yeelaneysa dhulka badda ee lagu muransanyahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *