Mid kamid ah ilaalada johnstone sakaja oo la geeyay isbitaal

xildhibaanka sida magacaabista ah ku soo galay aqalka barlamaanka dalka Johnstone sakaja ayaa waxa lagu soo waramaya in u mid kamid ah ilaaladiisa loola cararay isbitaal kadib marki u ka dhacay gaari u saarnaa xili u maalinta shalay ahayd ku guda jiray shaqadiisa maalin laha ah mar u mudanaha ka qeyb galaayay munaasabada xisbiga jubilee ay ku lahaayen deeganka mathare ee magaaladatan Nairobi.

ilaalaha ayaa waxa la sheegay in ay dhaawacyo ka soo gaaren madaxa maalinta shalay ahayd munaasabadda ka dhaceysay xafada mlango kubwa waxana u la socday xildhibaanka xiliga ay dhacdadaas dhaceysay.

Michael Ndirangu oo ah sarkaal ka hawlgalo xaruunta booliska ee barlamaanka ayaa ka lalaaday gaaariga mudanaha xili u maraayay wadada juja balse waxa u ka dhacay gaarigaas waxana ay ciidamadda wehlinaayay xiliga ay dhacdadaas dhaceysay ay sheegen in sarkaalka ay soo gaaren dhaawacyo fuduud ee dhinaca madaxa iyo dhabarka waxana durbadiiba loola cararay isbitaalka Nairobi hospital si xaaladiisa loogula  tacaalo.

Sakaja ayaa ka qeyb galaayay olole xisbiga jubilee loogu raadinaayo tageero ka hor doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo sanadka inagu soo aadan ee 2017-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *