Xisbiga Merkel oo ay guul daro soo gaartay

janselarka waddanka jarmalka ayaa waxa xisbigeeda soo gaaray guul daro doorashada ka dhacday magaalada berlin waxana ay tan ku soo aadeysa 2 isbuuc kadib marki xisbigeeda christian democrats party u kaalinta 3-aad ka soo galay doorashada ka dhacday magaalooyinka kuyaala bariga waddankaas waxana guul daran soo gaartay xisbigeeda loo aaneynaaya mowqifkeeda ku aadan muhajiriinta.

xisbiga ka soo horjeeda muhajiriinta ee ay xisbiga haweeneydaas ay isku haayan siyaasada dalkaas ee AFD ayaa marki ugu horeyay helay tageero baaxad leh.

haweeneyda heyso jagada ugu sareyso ee dalka jarmalka ayaa la sheegay in waqtiga ay talada dalkaas heysay ay waddankaas soo galen 1 milyan oo muhaajirin ah iyado 70,000 oo kamid ah muhaajiriintaas ay u gudbeen magaala madaxda waddankaas ee berlin.

xisbiga AFD oo olole weyn u galay in u is hor istaago muhajiriinta waddankaas ku sii qul qulaayo ayaa waxa u suurta gashay in u helo codad dhan boqolkiiba 12.2 waxana lagu wada in codadka u helaayo ay sii kor dhan iyado la filaayo in gordhaw ay doorasha ka dhacdo gobolka 10-aad waxana harsan oo kaliya in 6 gobol ay ka dhacdo doorashadaas.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *