Ninkii ka dambeeyay Qaraxyadii New York oo la soo qabtay

Booliiska Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay ninkii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay magaalada New York oo ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 29 qof.

Ninkan oo lagu magacaabo Ahmad Khan Rahami oo ah 28 sano jir ayaa laga soo qabtay gobolka New Jersey, kadib markii danbi-baarayaasha ay sawirka farihiisa ka heleen mid kamid bambaanooyinkii uu dhigay magaalada New York ee qarxi waayey.

Ahmad Khan Rahami ayaa la sheegay in uu afar bambaano oo uu sameeyey dhigay goobo kala gedisan oo ku yaala magaalooyin New York iyo New Jersey, waxana qarxay 3 bambaano iyadoo bambaano kale la helay inta aysan qarxin ka hor.

Iska horimaad kooban ayaa dhexmaray Booliiska iyo Ninkan xiligii ay isku dayayeen askarta inay qabtaan, waxana dhaawac uu soo gaaray ninkan iyo weliba 4 askari oo ka tirsan Booliiska.

Hay’ada dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay wado baaritaanka sababta ninkan uu u fuliyey qaraxyadan iyo cida ka dambeysa, waxa ay sidoo kale baarayaan inay jiraan dad kale oo gacan siiyey.

Rahami ayaa la sheegay in sanadihii la soo dhaafay uu booqasho ku tagay dalalka Afghanistan iyo Pakistaan halkaasi oo uu kusoo guursaday, waxana la baarayaa in goobahaasi uu u tagay in uu ku soo tababarto sameynta bambaanooyinka iyo in kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *