Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Kenya oo ka hadlay caqabada cusub ee Kenya kasoo wajahday maxkamadda ICC-da

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ka tirsan garabka dowladda ayaa si kulul uga hadlay go’aankii ka dhanka ahaa dowladda Kenya ee shalay kasoo baxay garsooreyaasha maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka ee ICC.

Xaakinnada maxkamaddaasi ayaa soo saaray xukun ay ku qeexeen in xukuumadda Kenya ay ku guul dareysatay in ay la shaqeyso maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague, xiligii uu socday kiiskii dacwadeed ee ka dhanka ahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Seneterka maamul goboleedka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa gaashaanka ku dhuftay xukunka garsooreyaasha ee lagu dhawaaqay shalay, isagoo ku tilmaamay mid aan habooneyn.

Mr Murkomen ayaa si weyn uga soo hor jeestay tallaabadaasi ay garooreyaasha maxkamadda ICC-da arrintaan ugu gudbiyeen golaha wakiillada dowladaha oo dhawaan la filayo in ay arrintaan kulan ka yeeshaan.

Golahaasi ayaa laga yaabaa in qudhooda ay kiiskaan u sii gudbiyaan golaha amaanka ee qaramada Midoobay si ay tallaabo uga qaadaan dowladda Kenya.

Ku dhawaad 2 sano ka hor ayey ahayd markii ay dacwad oogeyaasha maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka ee ICC-da sheegeen in ay wax cadeymo ah u waayeen dacwadda ka dhanka ah Mr Kenyatta, taas oo sababtay in daaqada laga tuuro kiiska.

Dacwad oogaha guud ee maxkamaddaasi Fatou Bensouda ayaa xiligaas burburka kiiska sabab uga dhigtay in ay wada shaqeyn ka waayeen dowladda Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa loo heystay ilaa 5 dacwadood oo salka ku hayay tacadiyo bani’aadanimo oo dalka ka dhacay sanadkii 2007-di, xiligaasoo uu dhacay qalalaase ka dhashay murankii ka dhashay natiijada doorashada guud.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *