Xisbiga Wiper oo u xulatay Kalonzo musyoka in uu hoggaanka u qabto xisbigaasi

Xisbiga Wiper oo uu hoggaamiyo Kalonzo Musyoka islamarkaana ka tirsan isbahaysiga Cord ayaa ku dhawaaqay in doorashada soo socoto Kalonzo uu xisbigaasi ugu tartami doono xilka madaxtinima.

Xisbigan oo sheegay in aysan ka bixin Cord islamarkaana ay xubin kasii ahaan doonaan ayaa waxay hoosta ka xariiqen in calanka xisbigaasi uu u qaban doono madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo musyoka si uu u la tartamo shaqsiyaadka xilka ugu sareeyo dalka u hanqal taagayan.

Iyagoo uu hoggaaminaayay Xoghayaha xisbigaasi sidoo kalana ah seneterka Countiga Mombasa Hassan Omar hoggaamiyaasha ka tirsan Wiper ayaa sheegay in ay kuraja weyn yihiin in Steven Kalonzo uu xilka madaxtinimo ku guuleysto.

Dhanka kale Hassan Omar ayaa sheegay sida laga marmaan ay u tahay in hoggaamiyaasha Isbahaysiga mucaradka ah ee Cord ay ka heshiiyaan qofka sida rasmiga ah ugu tartami lahaa xilka ugu sareeyo dalka.

Seneterka ayaa ugu dambeyn ugu baqay Madaxweynaha dalka in uu dadajiyo soo  xuulista saraakisha cusub ee badaleyso kuwa gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.

Goor sii horeysay ayay ahayd markii xisbiga ODM ay iyagana ku dhawaaqen in xisbigooda uu xilka madaxweyne ugu tartami doono raila Odinga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *