Ciidamada ciraaq oo billaabay howlgal ay kula wareegayaan magaalada Mousil

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa shalay si rasmi ah u billaabay howlgal ay ku damacsanyihiin in ay kula wareegaan magaalada Mousil oo ku jirta gacanta kooxda isku magacowda khilaafada Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ee ISIL.

Saraakiisha Milatariga ee xukuumadda Baqdaad ayaa sheegay in u jeedadooda ay tahay sidii ay gacanta dowladda ugu soo celin lahaayen magaaladaasi ka hor inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan.

Mosul ayaa hadda ah saldhiga ugu weyn ee ay kooxda Daacish ku leedahay dalka Ciraaq.

Tobannaan kun oo qof oo shacab ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku go’doonsanyihiin deegaanka lagu magacaabo Sherqat ee saran wabiga Tigris oo 100 kilo mitir dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Mousul.

Waxaa halkaas ku hareereysan ciidamada dowladda Ciraaq ee ku wajahan magaalada Mousul, si ay u la dagaalamaan xoogaga kooxda ISIL.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si weyn uga digaya dhibaatada ka dhalan karta dagaalka Mousul oo la filayo in uu bilooyin qaato.

Magaalada Mosul oo ay ku yaallaan qaar ka mid ah keydadka ugu weyn ee saliidda dalka Ciraaq ayaa ah magaalada 2-aad ee ugu weyn wadankaasi marka laga soo tago caasimadda Baqdaad, waxana ay gacanta kooxda Daacish gashay sanadkii 2014-ki.

Ciidamada dowladda Ciraaq oo taageero ka hela maleyshiyo beeleedyo ayaa horay ugu guuleystay in ay dagaal kula wareegaan magaalooyin ay ISIL gacanta ku heysay kooxda ISIL, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ramadi iyo Faluja.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *