Laamaha amaanka Nairobi oo baaraya dhimashada nin u dhashay Sacuudiga

Ciidamada booliska ee ka howl gala magaaladatan Nairobi ayaa billaabay baaritaanno ku saabsan dhimashada nin ajnabi ah oo aan la garaneynin sababtii uu u geeriyooday.

Ninkaan oo u dhashay dalka Sacuudi Arabia ayaa xalay meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa hotel ku yaalla xaafadda Kileleshwa ee magaaladatan Nairobi.

Mr Alzaben Fahad Mohammed oo da’diisa lagu sheegay 40 sano jir ayaa hotelkaasi lagu magacaabo Dusti oo ku yaalla wabiga dhiniciisa dagay isbuucii la soo dhaafay.

Nicholas Wahinya oo ah Madaxa kooxda qaabilsan ammaanka Hotelka ayaa warbaahinta u sheegay in meydka ninka Sacuudianka ah laga helay qolka 318-aad ee hotelka, xalay abaare 8.30pm ee fiidnimo.

Saraakiisha booliska ayaa laga soo xigtay in meydka ninkaan uusan ka muuqanin wax dhaawac ah, iyagoo sheegay in ay baaritaanadooda ku eegi doonaan dhinacyo badan, si loo ogaado sababta uu u dhintay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *