Qaramada Midoobay oo hakisay gargaarkii bani’aadanimo ee Syria

Hay’adaha dhinaca gurmadka bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa hakad galiyay dhaqdhaqaqyadii gargaarka cuntada, biyaha, iyo daawada loogu geynaayay dadka tabaaleysan ee ku sugan magaalooyinka go’doonsan ee dalka Syria.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii duqeymo lala beegsaday kolonyo gawaarida gargaarka sida ah oo ku wajahnaa deegaannada ay macluusha ba’an ka jirto.

Saraakiil u hadashay hay’adda Laanqeyrta cas ee ka howl gasha Syria ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 20 ruux oo u badnaa shaqaalaha gargaarka iyo masuuliyiintooda.

Weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday gawaarida hay’addaha Laanqeyrta cas iyo bisha Cas oo qasaare lixaad leh uu ka dhashay ayaa lagu tilmaamay dambiyo dagaal.

Hase ahaatee waxan ilaa iyo hadda xaqiijo loo heynin cida iska leh masuuliyadda duqeyntaasi.

Dowladaha Ruushka iyo Syria oo lagu tuhunsanaa in ay falkaas geysteen ayaa waxa ay labadaba beeniyeen in ay diyaaradahooda dagaalka ka dambeeyeen duqeynta lala eegtay kolonyada gawaarida gurmadka.

Balse dowladda Mareykanka ayaa ku adkeysatay in ay diyaaradaha Ruushka oo taageeraya dowladda Syria masuul ka yihiin dhacdadaasi oo abuurtay caro aad u weyn.

Arrintaan ayaa aad u xoojisay xasarada u dhaxeysa xukuumadaha Washington iyo Moscow ee ku aadan xaaladda dagaal ee ka jirta dalka Syria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *