Isku shaandheyn lagu sameeyay saraakiisha booliska dalka

Taliska sare ee ciidamada booliska dalka ayaa sameeyay isku shaandheyn hor leh oo boosaska looga kala badalay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada amaanka.

Taliyaha booliska ee xaafadda Kayole Ali Nuno ayaa ka mid ah ilaa 11 taliye oo isbadalkaasi uu sameeyay.

Mr Nuno oo mudooyinkaan ay hadallo kul kulul is weydaarsanayeen masuuliyiinta laanta dabagalka howlaga booliska ee IPOA ayaa hadda xilkiisi laga qaaday, isagoo loo wareejiyay xarunta tababarka booliska ee Kiganjo, halkaas oo uu macalin dhinaca tababarka booliska ah ka noqon doono.

Taliyaha cusub ee booliska xaafadda Kayole ayaa waxaa hadda loo magacaabay Joseph Gichangi.

Degmooyinka taliyeyaashooda la badalay ayaa waxaa kale oo ka mid ah Limuru, Nyeri, Bunyala, Bariga Marakwet, Bahati, Isiolo iyo Londiani.

Saraakiisha kale ee isku shaandheynta lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah kuwa ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaanno Traafikada.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *