Ku xigeenka madaxa maamul goboleedka Nairobi oo ku hanjabay in uu is casili doono

Xiisadaha ka abuurmaya mooshinka ka dhanka ah madaxa maamul goboleedka Nairobi Evans Kidero ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo arrintaasi ay jawaabo kala duwan ka bixinayaan masuuliyiinta Nairobi.

Ku xigeenka madaxa maamul goboleedka Nairobi Jonathan Mueke ayaa ku goodiyay in uu xilkiisa iska casili doono, hadii lagu guuleysto in xil ka qaadis lagu sameeyo Dr Kidero.

Maalintii talaadada ahayd ee lasoo dhaafay ayuu xildhibaanka baarlamaanka hoose ee laga soo doortay deegaanka Viwandani Mr Samuel Nyang’wara aqalka hor geeyay Mooshinka ka dhanka ah Evans Kidero.

Mudaneyaasha golaha wakiillada oo ay qaarkood taageersanyihiin in shaqada laga eryo masuulka ugu sarreeya Countiga, kuwo kalena ay kasoo hor jeedaan xil ka qaadistiisa ayaa buuq ku hareeyay kalfadhigii golaha.

Af hayeenka baarlamaanka hoose ee Nairobi Alex Magelo ayaa la filayaa in uu shaaciyo waqtiga rasmiga ah ee ay mudaneyaasha golaha wakiillada ka doodi doonaan mooshinkaasi.

Isbuucii hore ayey ahayd markii uu dagaal gacanta la iskula tagay ka dhacay xarunta golaha baarlamaanka hoose ee maamul goboleedka Nairobi, kadib markii la isku khilaafay mooshinka lagu doonayo in xafiiska looga diro Mr Kidero.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *