Rakaab fara badan oo ku xayirmay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta

Dad fara badan oo rakaab ah ayaa ku xanibmay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada tan Nairobi, kadib markii la baajiyay duulimaad ay diyaaradda qaranka ee Kenya Airways ku aadi lahayd magaalada Bangkok ee waddanka Thailand.

Duulimaadkaasi oo ay sameyn lahayd mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda KQ ayaa lagu waday in uu garoonka looga ambabaxo abaare 2 am habeenimo ee xalay saqdii dhexe kadib.

Si rasmi ah looma xaqiijinin sababta ay diyaaradda u bixi weysay, hase ahaatee warar hordhac ah oo ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay soo wajaheen cillado dhanka farsamada ah.

Madaxa dhinaca warfaafinta ee shirkadda Kenya Airways Wanjiku Mugo  ayaa sheegtay in duulimaadkaasi aan la baajinin gabi ahaanba, balse uu daahay oo kaliya.

Haweeneydaan ka tirsan masuuliyiinta shirkadda diyaaradaha ayaa sheegtay in qorshohooda uu yahay in duulimaadkaasi la sameeyo ilaa duhurnimada maanta oo khamiis ah.

Cabasho xoog leh oo ku saabsan arrintaan ayaa laga soo tabiyay dadka rakaabka ah ee ku qornaa duulimaadkaasi, kuwaas oo xalay goor horeba iska sii xaadiriyay garoonka Jomo Kenyatta.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *