Booliska oo 2 dumar ah ku dilay Kisii, xili uu mudaharaad socday

2 haween ah ayaa ku geeriyootay maamul goboleedka Kisii, kadib markii ay ku dhacday rasaas ay fureen askar ka tirsan ciidamada booliska.

Falkaan oo dhacay galinkii dambe ee shalay oo khamiis ahayd ayaa yimid xili uu madaharaad ay sameynayeen darawaliinta mootooyinka ka socday agagaarka suuqa Daraja Mbili ee magaalada Kisii.

Booliska ayaa isku dayaayay in ay is hor taagaan dibadbaxayaasha oo xiray wadada dheer ee isku xirta maamul goboleedyada Kisii, Kisumu iyo Migori.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo watay gaari ay tageen goobta uu mudaharaadka ka socday, si ay u kala eryaan dadka dibadbaxa sameynaayay.

Mid ka mid ah goob joogeyaashaasi ayaa warbaahinta u sheegay in aysan fileynin in booliska ay rasaas ku furaan, iyagoo filaayay oo kaliya in loo adeegsado suntan dadka ka ilmeysiisa.

Madaxa isbitaalka guud ee maamul goboleedka Kisii Enoch Ondari ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenka la toogtay ay ku geeriyootay isbitaalka, isla markii la geeyayba.

Ciidamada amaanka ayaa ku howlanaa soo afjaridda mudaharaadkaasi ilaa xalay 9.00 oo fiidnimo, iyadoo hadda lagu soo waramayo in xaaladda deegaankaasi ay xasiloontahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *