8 qof oo ku dhintay diyaarad ay saarnaayen oo ku burburtay wadanka Afghanistaan

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistaan ayaa sheegaya in ay dhinteen dhamaan 8-dii qof ee saarnaa diyarada miltarariga dalkasi ay leeyihiin oo burburtay.
Diyaradan oo ah nooca loo yaqaano helkobtarka ayaa ku burburtay waqooyiga gobolka Baghlan ee wadanka Afghanistaan.
Dawlat Waziri, oo ah afhayeenka wasaarada gaashandhiga ee dalkaasi ayaa maanta sheegay in 5 ka mid ah shaqaalaha diyarada iyo 3 ka tirsan militariga ay dhinteen.
Burburka diyarada ayaa ka dhacay degmada Dand Ghori halka afhayeenka uu sheegay in cilad dhanka farsamad ah ay dhibatadan keentay.
Hasa ahaate, kooxda Talibaan ayaa dhankoodu sheegtay in ay leeyihiin masuuliyada diyaaradan ay ku soo rideen qaar ka mid ah dagalyahanadooda.
Ugu dambeyntina, dagaalyahanada Talibaan ayaa sara u sii qaaday weerarada ay la beegsanayan ciidamada Afghanistaan ee ku sugan waqooyiga gobolka Baghlan iyo gobolka dariska la ah ee Kunduz .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *