Gudiga adeega dadweynaha ee PSC oo mar kale shaaciyay in xilal badan ay wali ka banana yihiin EACC

Gudiga adeega dadweynaha ee loo soo gaabiyo PSC ayaa mar kale shaaca ka qaaday in jagada gudoomiyaha gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuq-masuqa ee EACC aan wali la buuxinin.
PSC ayaa arrintan ku sababeysay in ilaa iyo hada aynan heli qof si buuxda ugu qalmo in uu la wareego xilkan oo uu baneeyay mr Philip Kinisu.
Macluumadka ku qoran shabakada gudiga PSC ayaa waxaa ka mid ah in 68-dii qof oo jagadan horay u soo codsaday balse anan ku guuleysanin aynan mar labaad codsi soo dirsan Karin.
Dadka doonaya in ay jagadan buuxiyaan ayaa waxay codsigooda gudbin karan ka hor intan anan la gaarin 24-ta bishan Oktobar ee an ku guda jirno.
Gudoomiyihii xilkan baneeyay ee Philip Kinisu ayaa cadaadis la saaray ka dib iscasilay hal sano kadib markii shaqadan uu qabtay.
Shirkad gudoomiyihii hore ee EACC Philip Kinisu lala xiriirinayo laguna magacaabo Esaki Ltd ayaa la sheegay in lacag dhan 35 milyan oo shilin ay ka heshay waxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Arrintan ayaa soo ifbaxday xili la waday baritaana ku saabsan sida NYS ay uga luntay lacag dhan 791 milyan oo shilin.
Ugu dambeyntina , Philip Kinisu ayaa iska fogeeyay in wax musuq maasuq ah uu sameeyay , hogaanka shirkadaasna uu iska wareejiyay balse arrintan ayaa wax kama jiraan laga soo qaaday sidaasna uu xilka ku baneeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *