Gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC oo sheegay in ay diyar u yihiin doorashada guud ee sanada 2017-ka

Iyadoo doorashada guud ee xigta ay ka dhimantahay qiyaastii 300 oo maalmood ayay keenyaanka isweydiinayaan in wadanka uu si buuxda ugu diyar garoobay doorashadan.
Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay qeybo ka mid ah shuruuc hor leh balse waxay sarakiisha gudigan dhanka kale ku adkeysanaayan in taarikhda 8-aad ee bisha August sanada 2017 ay doorashada qabsoomeyso.
Ezra Chiloba oo ah madaxa fulinta ee gudiga IEBC ayaa sheegay in kasta oo isbedelo ay jiraan balse taarikhdii doorashada loogu tala galay kama dib dhaceyno.
Gudigii laba geesoodka ahaa ee matalaayay muxafidka iyo mucaaradka ayaa soo jeediyay in saraakiil cusub ay shaqada la wareegen 30-kii bishii septembar.
Arrintan ayaa waxaa ogolaaday baarlamaanka halka qeyb ay ka noqotay sharciga cusub ee doorashooyinka ku saabsan.
Sidii la qorsheeyay madhicin oo magacyada dadka la soo xulay ayaa madaxweynaha loo gudbiyay 6-dii bishan Oktobar.
Sido kale waxa sharcigan cusub ku qeexan in wajiga labaad ee diiwangelinta codbixiyaasha dib loo dhigo tan iyo inta diiwangelintii hore baaritaano loogu sameynaayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *