Maamul goboleedka Lamu oo ka codsaday dhalinyarada kasoo laabatay al shabab in ay is dhiibaan

Masuuliyiinta maamul goboleedka Lamu ee gobolka xeebta dalka ayaa ku boorriyay dadka horay uga tirsanaa al shabab ee kasoo goostay isla markaana dib ugu soo laabtay Kenya, in ay isku dhiibaan laamaha amaanka.
Dadkaasi oo u badan dhalinyaro ayaa laga codsaday in ay si iskood ah iskaga xaadiriyaan saldhigyada booliska, si loo diiwaan galiyo, xaaladoodana loola socdo.
Gudoomiyaha maamulka dowladda dhexe u qaabilsan Lamu Joseph Kanyiri ayaa maanta sheegay in xafiiskiisa uu ka war qabo in boqolaal qof oo kasoo goosatay al shabab ay si qarsoodi ah dib ugu laabteen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Lamu.
Mr Kanyiri ayaa ka dhawaajiyay in dadkaasi ay isugu jiraan dhalinyaro rag iyo dumarba leh, kuwaasoo uu ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isku dhiibaan.
Isagoo ka hadlaayay munaasabad maanta ka dhacday xarunta ganacsiga ee Mokowe Trading Center ayuu gudoomiyaha intaas ku daray in wali uusan waqtigeeda dhamaanin magangalyadii iyo cafiski ay dowladda dhexe u fidisay dadkaasi sanadkii la soo dhaafay, loona baahanyahay in ay ka faa’ideystaan.
Maamul goboleedka Lamu, gaar ahaan deegaannada ku dhow dhow keynta Boni ayaa waxaa tan iyo bishii September ee sanadkii 2015-ki ka socda howlgal ay laamaha amaanka ku baacsanayaan dagaallamayaasha al shabab oo la aaminsanyahay in ay aagaasi ku dhuumaaleystaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *