Nin jimcadii la soo dhafay maamul goboleedka Meru waardiya ku dilay oo isagana la gubay

Nin ka soo jeeda maamul goboleedka Meru oo lagu eedeyay in jimcadii la soo dhafay uu dilay nin waardiye ahaa ayaa waxaa dab qabadsiiyay qaar ka mid ah shacabka countigaasi oo falka uu geystay ka carooday.
Ninkan ayaa lagu weeraray xarunta dukameysiga ee Antubochiu .
Waxay wararku intaas ku darayaan in ninkan dabka la qabadsiiyay oo lagu magcaabo Boniface Kobia uu xiligii la weeraraayay ilaala ka hayay dukaan khaad lagu iibiyo.
James Ntongai oo ka mid ah dadka degaankas ku dhaqan ayaa sheegay in ninkan la dilay uu ka yimid Mutuati oo ka tirsan degaan baarlamaneedka waqooyiga Igembe ka hor inta uunan u soo guurin aaga uu hada dilkan ka geystay.
Goobjoogayaal kale ayaa laga soo xigtay in waardiyaha iyo ninka dilay ee hada la gubay uu muran dhex maray kadibna waardiyaha la tooriyeeyay
Mr George Miriti oo sido kale ka mid ah shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Meru ayaa sheegay in dhacdada ninkan lagu gubay ay ku cibra qaadaneyso cid kasta oo degaankooda amni dara keenta.
Meydka waardiyihii la dilay maalintii jimcada ayaa la geeyay goobta lagu keydiyo meydadka ee cisbitaalka Maua Methodist halka meydka dilaaga la gubayna la geeyay cisbitaalka Meru Level four ee countiga Meru.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *