Dadka ku dhintay duufaantii ku dhufatay Haiti oo dhaafay 1,000 ruux

Tirada dadka ku dhintay duufaanta Hurricane Matthew ee ku dhufatay waddanka Haiti ayaa ka badatay 1,000 qof, xili wali la soo tabinayo dhimasho hor leh oo ka dhalatay musiibadaasi.
Dalka Haiti ayaa hadda la daalaa dhacaya saameynta ay ku yeelatay duufaantaasi oo sababtay in uu dillaaco cudurka Daacuun caloolaha, kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan.
Meydadka dadka ku geeriyooday musiibada duufaanta iyo cudurka daacuunka ayaa lagu aasayaa qabuuro si wadar ah loogu duugayo, maadaama uu waddanka ku jiro xaalad aad khatar u ah.
Duufaanta Hurricane Matthew oo ahayd mid aad u xoog badan ayaa noqotay tii ugu awoodda badneyd ee gobolkaasi ku dhufatay 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Xaalado bani’aadanimo oo aad u ba’an ayaa laga soo tabinayaa deegaanno badan oo ka tirsan dalkaasi oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.
Roobabka dabeylaha wata oo dhaliyay daadad xooggan ayaa wali ka da’aya qeybo ka mid ah dalkaasi, xili ay duufaanta oo daciiftay u sii gudubtay dalka Mareykanka.
Sanadkii 2010-ki ayey ahayd markii ay xasarado bani’aadanimo oo kuwii ugu xumaa abid ah ka dhasheen musiibooyin ku dhuftay wadanka Haiti oo hadda ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *