Donald Trump oo ku goodiyay in uu xiri doono Hillary Clinton, hadii loo doorto madaxweynaha Mareykanka

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee mareykanka ugu tartamaya doorashada xilka madaxweynaha Donald Trump ayaa shalay weerar xaga afka ah ku qaaday madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, isagoo ku eedeeyay qaabka uu u la dhaqmi jiray haweenka.
Mr Trump ayaa sidoo kale wacad ku maray in hadii loo doorto madaxweynaha Mareykanka uu xabsiga dhigi doono haweeneyda xisbiga Dimuqraadiga ugu tartameysa xilka madaxweynaha.
Hadalkaan ayuu ganacsadaha siyaasiga noqday u ka sheegay dood mar kale dhex martay isaga iyo Mrs Clinton.
Dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasadda ee la socday doodaasi ayaa sheegay in Hilary Clinton ay dooddaasi uga guuleystay Donald Trump.
Dooda xalay oo ahayd mid aad u kulul ayaa socotay muddo 90 daqiiqo ah.
2-da musharax ee Trump iyo Hilary Clinton ayaa u diyaarsan in ay ka qeyb galaan doorashada madaxtinimada Mareykanka oo la filayo in ay dhacdo 8-da bisha November ee sanadkaan 2016-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *