Dowladda oo qoreysa qofkii noqon lahaa gudoomiyaha cusub ee gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa

Gudiga howlaha guud ee dowladda ayaa dib u soo xayeysiiyay jagada gudoomiyaha gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, iyagoo billaabay howsha ku aadan soo qorista gudoomiye cusub.
Dadka u hanqal taagaya in ay xilkaasi qabtaan ayaa heysta ilaa 24-ka bishaan October, si ay araajidooda u gudbiyaan kadibna loo kala xusho.
Kursiga bannaan ee gudoomiyaha gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa si rasmi ah maanta loogu xayeysiiyay jaraa’idka kasoo baxa gudaha dalka, kadib markii ay masuuliyiinta golaha howlaha guud ee dowladda sheegeen in dhammaan 68 qof oo horay arjiyadooda u gudbiyay ay ku guul dareysteen in laga helo khibrad ay ugu qalmaan in wareysi loogu yeero.
Qofka loo xulanayo in uu qabto jagadaasi muhiimka ah ayaa shuruudaha ku xiran waxaa ka mid ah in uu leeyahay ugu yaraan 15 sano oo khibrad dhinaca shaqada ah.
Booska gudoomiyaha gudiga EACC ayaa firaaqo noqday kadib markii uu dhawaan is casilay Philip Kinisu kadib markii ay lasoo daristay fadeexad dhinaca wax is daba marinta ah.
Mr Kinisu ayaa lala xiriiriyay eedeymo ku saabsan ku lug lahaanshaha fadeexaddii musuqmaasuqa ee lacagaha badan looga lunsaday waaxda adeega dhalinyarada qaranka ee NYS-ta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *