Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo la filayo in uu booqdo Turkana iyo Garissa

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqasho ku kala tago maamul goboleedyada Turkana iyo Garissa, halkaas oo uu mashaariic kala duwan kasoo hir galin doono.
Kenyatta ayaa safarkiisa ku wajahan Turkana iyo Garissa billaabi doona marka ay soo gaba gabowdo booqasho 3 maalmood ah oo uu dalka ku joogi doono madaxweynaha wadanka Koonfur Africa Jacob Zuma.
Magaalada Lokichar, ee maamul goboleedka Turkana ayaa la filayaa in uu madaxweynaha kasoo hir galiyo mashaariic isugu jira wax soo saarka saliidda iyo dhismaha wadooyinka.
Bisha soo socota ee November gudeheeda ayaa la qorsheynayaa in uu madaxweyne Kenyatta gaaro magaalada Garissa, isagoo ay wehlin doonaan wafdi ballaaran oo ay qeyb ka yihiin hogaamiyeyaasha laga soo doortay gobolka waqooyi bari.
Uhuru Kenyatta ayaa marka uu Garissa tago booqan doona jaamacadda Garissa, oo lagu xasuusto weerarkii ka dhacay sanadkii hore ee ay ku dhinteen 147 ruux oo u badnaa arday.
Madaxweynaha ayaa sida uu ballan qaaday ku dhawaaqi doona in jaamacadda Garissa ay tahay jaamacad kaamil ah oo iskeed u taagan adeegyadeedana ay u dhameystiranyihiin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *