Mudaharaadyo looga soo hor jeedo duqeymaha oo ka dhacay Yemen

Mudaharaad ay dad badan ka qeyb galeen oo looga cabanayo duqeymaha qasaaraha geysta ee ay geystaan diyaaradaha dagaalka ayaa ka dhacay wadanka Yemen.
Kumanaan qof oo ka qeyb qaatay dibadbaxaasi oo in badan oo ka mid ah ay hubeysnaayeen ayaa isugu tagay afaafka hore ee xarunta qaramada Midoobay ee magaalada Sanca ee caasimadda u ah dalka Yemen, iyagoo codsaday in baaritaanno caalami ah lagu sameeyo duqeymaha dhimashada badan sababa.
Duqeymaha ay dadkaan ka careysanyihiin ayaa lala beegsaday goob ay ka socotay munaasabad aas ah oo ay dad aad u fara badan ku sugnaayeen.
Weerarkaasi qasaaraha badan dhaliyay oo dhacay maalintii sabtida ahayd ayaa lagu dilay ugu yaraan 140 ruux, halka tiro badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Mudaharaadkaan ayaa kusoo aaday xili madaxweynihii talada laga tuuray ee dalka Yemen Ali Abdullah Saleh uu ugu baaqay taageerayaashiisa iyo xoogaga kooxda Xuutiyiinta in ay hubkooda oo idil qaataan una jaheystaan dhinaca xadka dalka Sacuudiga, si ay uga soo dagaalamaan.
Sacuudiga iyo xulafo carbeed oo uu hor kacayo ayaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafay Yemen ka waday duqeymo lagu taageerayay dowladda Yemen, kuwaasoo dad fara badan lagu dilay.
Hase ahaatee qaramada Midoobay ayaa duqeyntii dhacday sabtidii ku eedeysay midowga Europe iyo dowladda Mareykanka oo iyagana dhaqdhaqaaqyo ka wada gudaha Yemen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *