Xaakinada Maxkamada racfanka oo loo soo xulay in ay buuxiso booski ay baneysay Kalpana Rawal

Xaakinada Maxkamada racfanka dalka Philomena Mwilu ayaa loo soo xulay in ay buuxiso nafaskii ay baneysay Kalpana Rawal oo ahayd kuxigeenadii madaxii hore ee cadaalada dalka Dr Willy Mutunga.
Mwili oo ku dhawaaqideeda la shaaciyay maanta oo isniin ahayd ayaa sida ay sheegen gudiga cadaalada dalka waxaa isla maantaba magaceeda loo gudbiyay Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta ayaa isagana waxaa waajib ka saaran in magaca xaakinadaasi uu u sii gudbiyo aqalka Barlamaanka dalka si ay uga doodan islamarkaana ay ansixiyaan mise u diidan.
Hadii xildhibaanada barlamaanka aqbalaan, Philomena Mwilu ayaa waxaa u surta gali doontaa in ay noqoto kuxigeenka madaxa cadaalada dalka sidoo kale ahna Madaxweyne kuxigeenka maxkamada ugu sareyso dalka ee loo yaqaano Supreme Court.
Waxyaaba lagu xasuusto Ms Mwili xiligii lagu jiray turxaan bixinta lagu sameynaayay waxay sheegtay in talaabo ay ka qaadi doonto xaakinada yar yar ee hada soo kacayo kuwaas oo isticmaalayo daawooyinka daroogada ah islamarkaana intooda badan shaqada waqti dambe ay soo xaadiran.
Xaakinadan oo muddo 32 sano ah kasoo shaqeyneesay maxkamad ayaa hoosta ka xariqday in ay taageri doonto dumarka badan ee la gursanyo marbo hadii u jirin khilaaf u dhaxeyn doono qoysaska.
Naafaskan la doonayo in ay buuxiso Philomena Mwilu ayaa waxaa goor sii horeysay howlgabka ka noqotay Kalpana Rawal oo sanadkeedu ahaa 70 taas oo u saamaxeynin in ay shaqadeeda si wadato sida dastuurka dalka u yaalo u qorayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *