Haweeney iibineysay calaq dad ku dhinteen oo lagu riday xukun dil ah

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa xukun dil ah ku riday haweeney lagu helay dambi ah in ay iibisay maandooriyaha loo yaqaanno calaqa, kaasoo sababay dhimashada 8 ruux oo isticmaashay.
Calaqaasi ayaa la sheegay in si khaladan loo sameeyay oo ay ku jirtay sun halis ah oo si deg deg ah u dileysa qofka caba.
Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Jessie Lessit ayaa xukunkaan ku dhawaaqday kadib markii uu dambiga ku caddaaday haweeneyda eedeysanaha ahayd oo magaceeda lagu sheegay Jennifer Wanjiru.
Maxkamadda ayaa loo sheegay in 5 ka mid ah 8-da ruux ay geeriyoodeen isla markii ay calaqa cabeen halka 3-da kalena ay goor dambe isbitaalka ku dhinteen.
5 sano ka hor ayey ahayd markii ay dhacdadaasi 8-da ruux ku geeriyoodeen ka dhacday xaafadda Ruiru ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Ms Wanjiru ayaa dil daldalaad ah ku muteysatay tallaabo ay markii hore u maleyneysay howlmaalmeedkeeda ganacsiga ee caadiga ah, wax dhibaato ahna aysan ka fileynin.
Go’aanka maxkamadda ayaa argagax ku ah dadka loo heysto eedeymaha la xiriira waxyeellada ka dhalatay calaqa oo goor sii horeysay sababay dhimashada dad fara badan oo Kenyan ah, iyadoo laamaha amaanka ee guud ahaan wadankana ay wadaan howlgallo ka dhan ah ganacsiga calaqa ee mamnuuca ka ah Kenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *