Kenya iyo Konfur Africa oo heshiisyo dhowr ah kala saxiixday

Dowlada Kenya iyo Konfur Africa ayaa kala saxiixday arimo dhowr ah oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka saaxibtinimo ee u dhaxeya labada dowladood.
Madaxweynaha South Africa oo booqasha sedex maalin qaadaneyso ku joogo dalka ayaa kulan laba geesod ah waxaa uu la qaatay dhigiisa dalkan Kenya Uhuru Kenyatta taasoo horseeday in heshisyadaasi la gaaro.
Madaxweynaha martida loo ahaa ee dalkan Kenya ayaa sheegay waxyaabaha ay qalinka kuwada duugen isaga iyo Mr Zuma ay tahay kor u qaadista ganacsiga labada dal iyo qodoba kale oo waxtar u leh shacabka labada wadan sida qafiifinta xeerka socdaalka.
Kenyatta ayaa dhanka kale waxaa uu ka dhawaajiyay in labada dowladooda ay kawada hadleen oo ay kawada heshiiyen arimaha amniga gaar ah iskaashi iyo wada shaqeyn dhaxmarta laamaha amaanka ee Kenya iyo South Africa sida arimaha sirdoonka si looga hortago dhaqdhaqaaqa lidiga ku ah amniga.
Dhanka kale Madaxweynaha Konfur Africa oo isagana ka hadlay shir jaraa’id oo ay labada madaxweyne kuwada qabteen aqalka madaxtooyada ayaa dhankiisa sheegay in ganacsiga labada wadan uu sare u kacay maadama ku dhawaad 60 shirkadooda ay hadda ka howlgalayaan gudaha dalkan Kenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *