Shirkadda Samsung oo macaamiisheeda ka dalbatay in ay damiyaan taleefoonka Galaxy Note 7

Shirkadda taleefannada casriga ah soo saarta ee Samsung ayaa hakad galisay howlihii ay ku suuq geyneysay taleefanka nooca loo yaqaanno Galaxy Note 7 ee ay dhawaan soo saartay.
Masuuliyiinta Samsung ayaa macaamiishooda horay u gadatay taleefankaasi ugu baaqay in ay iska damiyaan, maadaama la ogaaday in uu leeyahay cillad waxyeello u keeni karta qofkii isticmaalaya.
Dhawaaqa kasoo baxay shirkadda ayaa yimid kadib markii ay isasoo tareen wararka sheegaya in qaar badan oo ka mid ah taleefannada Galaxy Note 7 ee la iibiyay ay gubteen, iyagoo marki ay qarxaanna dhaliya holac aad u badan.
Dhawaan ayey ahayd markii ay Samsung oo ah shirkadda ugu weyn caalamka ee soo saarta taleefannada casriga ah badashay taleefanno hore oo noocaan ah, kuwaasoo iyagana cillado lagu sheegay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *