Booliska oo hub kusoo qabtay howlgal ay ka sameeyeen Nairobi

Cutub ka tirsan ciidamada booliska dalka ayaa habeenimadii xalay hub isugu jira qoryo iyo rasaas kusoo qabtay is rasaaseyn dhex martay iyaga iyo koox burcad ah oo ku sugneyd xaafadda Hardy oo ka tirsan degmada Karen ee magaaladatan Nairobi.
Hubka howlgalkaasi lagu soo qabtay ayaa ah 2 bastooladood iyo 1 qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah iyo 51 wareeg oo rasaas ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha taliska booliska.
Taliyaha booliska Nairobi Japheth Koome ayaa sheegay in dableyda ay hubkaasi ka carareen xili ay ka baxsanayeen ciidamada amaanka oo ay isku rasaaseeyeen meel u dhow isku raranta Kataka slums.
Mr Koome ayaa intaas raaciyay in ay in dhawaaleba kooxdaasi ku raad joogeen kadib markii ay heleen macluumaad dhinaca sirdoonka ah oo ku saabsan in ay abaabulayeen fal dambiyeedyo.
Is rasaaseynta booliska iyo burcadda oo la sheegay in ay kasoo baxeen xaafadda isku raranta ah ayaa dhacday xalay abaare 10.15 pm ee caweysnimo.
Booliska ayaa hadda wada ugaarsi ay ku doon doonayaan kooxda hubkaasi heysatay ee ay u suurta gashay in ay si dirqi ah uga baxsadaan gacantooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *