Dowladda oo xirtay 5 machad oo ku taalla Nairobi

Waaxda qaran ee Technologiyadda iyo wax barashada ayaa albaabada isugu dhuftay xarumno wax barasho oo lagu eedeeyay in ay kasoo bixi waayeen shuruudihii dhinaca sharciga ee looga baahnaa.
Xarumaha wax barasho ee la xiray ayaa waxaa ka mid ah 5 machad oo bixiya wax barashada heerka dhexe, kuwaasoo dhammaantood ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka.
Agaasimaha guud ee waaxda la socodka howlaha xarumaha waxbarashada Mr Kipkirui Langat ayaa sheegay in waajibaadkooda ay yihiin sidii ay ula socon lahaayeen sharciyeynta xarumaha wax barashada ee guud ahaan Kenya.
Dr Langat ayaa ka dhawaajiyay in ay tallaabooyin noocaan ah ka qaadi doonaan dhammaan jaamacadaha iyo machadyada u hogaansami waaya xeerka wax barashada iyo shuruudaha laga doonayo.
Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xiritaanka xarumaha noocaasi ah ay dadka Kenyanka ah u sahleyso in ay helaan wax barasho tayo wanaagsan leh oo mustaqbalkooda anfacda.
Waaxda uu madaxda ka yahay Dr Langat ayaa maalintii talaadada ahayd ee shalay bilowday olole ka dhan ah xarumaha wax barashada ee sharci darrada ah, iyagoo bartilmaameedsanaya in ka badan 100 xarun oo wax barasho oo ku kala yaalla guud ahaan dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *