Mudaneyaasha aqalka Senete-ka oo dalbaday in la soo xiro madaxa maamul goboleedka Vihiga

Gudi ka tirsan aqalka Senete-ka ee dalka ayaa soo saaray qaraar ay warqad ugu qoreen agaasimaha dacwad soo oogidda guud ee dalka Keriako Tobiko, iyagoo ka dalbaday in uu soo xiro madaxa maamul goboleedka Vihiga Moses Akaranga.
Mudaneyaasha Senete-ka ayaa tallaabadaasi qaaday kadib markii Mr Akaranga uu ka biyo diiday in uu u hogaansamo amar kasoo baxay Senete-ka oo ahaa in uu kasoo hor muuqdo si ay ula xisaabtamaan.
Masuulka ugu sareeya maamulka Vihiga ayaa lagu waday in su’aalo laga weydiiyo qaabka uu maamulkiisa u isticmaalay dhaqaale loogu tala galay mashaariic kala duwan oo la sameeyay.
Hase ahaatee Mr Akaranga ayaa ku guul dareystay in uu gudiga hor tago dhowr jeer oo ay u yeereen, taasoo ka careysiisay xidlhibaannada aqalka sare ee Senete-ka.
Horay ayey gudigaan caqabado noocaan ah ugala kulmeen qaar ka mid ah masuuliyiinta maamul goboleedyada oo ka caga jiiday in ay kasoo hor muuqdaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *