Baarlamaanka oo dalbaday in dalka laga mamnuuco hogaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fiirsaneyso go’aan ku aadan sidii cuna qabateyn loogu soo rogi lahaa hogaamiyaha mucaaradka dalka Suudaanta Koonfureed Riek Machar iyo xulafadiisa.
Dhawaaqaan ayaa yimid iyadoo hadda laga cabsi qabo in ay dagaallo sokeeye oo hor leh kusoo laabtaan wadankaasi ugu da’da yar guud ahaan dalalka caalamka.
Gudiyo ka tirsan aqalka baarlamaanka dalka ayaa dowladda ka dalbaday in gabi ahaanba ay wadanka ka mamnuucdo Mr Machar iyo siyaasiyiinta ku dhow dhowba.
Masuuliyiinta guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda iyo gudiga amaanka iyo maamulka qaranka ee aqalka baarlamaanka ayaa si wada jir ah u sheegay in Dr Machar iyo xulafadiisa ay mudanyihiin in cunaqabateyn dhinaca safarrada ah lagu soo rogo.
Gudoomiyeyaasha labadaan guddi oo kala ah xildhibaanka degmada Tiaty Asman Kamama iyo dhigiisa degmada Tetu Mr Ndung’u Gethenji ayaa sheegay in baarlamaanka la hor geyn doono mooshin lagu doonayo cunaqabateyntaasi.
Mudaneyaashaan ayaa ka dhawaajiyay in mooshinkaasi sidoo kale lagu dalban doono in wadanka Koonfurta Sudan looga saaro ururka bulshada bariga Africa ee dhawaan lagu soo daray.
Dalabka xildhibaannada baarlamaanka Kenya ayaa kusoo aaday xili maalmihii lasoo dhaafay ay sii xoogeysatay Colaadda ka taagan dalka Koonfurta Sudan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu geeriyooday madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *