Dowladda oo shaqaaleysiisay dad loo xil saaray hir galinta mashruuca computerada gacanta

Masuuliyiinta dowladda ayaa soo xushay saraakiil ay shaqadooda noqoneyso in ay kormeeraan hab sami u socodka iyo dhaqan galinta mashruuca Computerada gacanta ee loo yaqaanno Laptopyada loogu qeybinayo ardayda dhigata fasallada 1-aad ee dugsiyada ay dowladda maamusho.
Barnaamijkaan oo ay xukuumadda uu hogaamiyo xisbiga Jubilee ballan qaaday xiligii ololaha doorashada guud ee sanadkii 2013-ki ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 24 billion oo shilinka dalka ah.
Xog hayaha joogtada ah ee wasaaradda wax barashada Belio Kipsang’ ayaa warqado uu u diray dhammaan agaasimeyaasha laamaha tacliinta ee maamul goboleedyada ugu sheegay in lasoo magacaabay 260 sarkaal oo la soconayo howsha qeybinta Laptobyada.
Dr Kipsang ayaa intaas ku daray in wasaaradda warfaafinta ay sidoo kale qortay 60 sarkaal oo arrintaan gacan ka geysan doona, isla markaana uu saldhigooda noqonayo waaxyaha warfaafinta ee maamul goboleedyada.
Barnaamijkaan oo dhaqan galintiisa ay in muddo ah soo jiitameysay ayaa la filayaa in dhawaan lagu fidiyo guud ahaan 47-da maamul goboleed ee dalka.
Arrintaan ayaa timid xili ay xubnaha golaha wasiirrada dhammaantood goor sii horeysay billaabeen howlaha ku aadan dhaqan galinta barnaamijkaasi oo diyaar garowgiisa lasoo gaba gabeeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *