Kenya Airways oo ka digtay in ay joojin doonto iibinta Tigidhada

Masuuliyiinta shirkadda diyaaradaha qaranka ee Kenya Airways ayaa ku gacan seyrtay dalab uga yimid golaha ay ku bahoobeen duuliyeyaasha diyaaradaheeda, oo ah in shaqada laga eryo maamulka sare ee shirkadda.
Duuliyeyaasha ayaa dhankooda ku hanjabay hadii sidaas la sameyn waayo in ay ku dhaqaaqi doonaan gadood shaqo joojin ah oo ay ku curyaamin doonaan dhamaan duulimaadyada shirkaddaasi.
450 duuliye ayaa ku goodiyay in haddii dalabkooda la fulin waayo ay qalabka iska dhigi doonaan ugu dambeyn 18-ka bisha October ee aan ku guda jirno.
Hase ahaatee, Kenya Airways ayaa war bixin ay maanta oo khamiis ah soo saartay ku sheegtay in ay walaac ka qabto arrintaasi, iyadoo ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta tallaabadaasi.
Saraakiisha war saxaafadeedkaan soo saaray ayaa sheegay in hanjabaadda ay duuliyeyaasha sameeyeen ay ku qasbi karto in ay joojiyaan iibinta Tigidhada diyaaradda ay u goyso macaamiisheeda, taasoo horseedi karta hoos u dhac dhaqaale oo hor leh oo soo wajahaya shirkadda diyaaradaha qaranka.
Kenya Airways oo sidoo kale loo yaqaanno KQ ayaa hadda la daalaa dhaceysa dhaqaale yaraan baahsan oo soo wajahday, taasoo cadaadis ay kala kulmayeen maamulka shirkadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *