Ninkii lagu eedeeyay in uu lacag ka dhacay ku xigeenka madaxa maamul goboleedka Tharaka Nithi oo beeniyay eedeyntaas

Waardiyaha ku xigeenka madaxa maamul goboleedka Tharaka Nithi Mr Eliud Murithi ayaa maanta isku dhiibay laamaha amaanka, isagoo beeniyay eedeymo loogu jeediyay in uu lacag ka dhacay masuulkaasi.
Josphat Kipyegon oo ka tirsan ciidamada booliska maamulka ee loo yaqaanno AP-da ayaa si iskiis ah u tagay saldhig ay booliska ku leeyihiin magaalada Meru, si uu naftiisa u bari yeelo.
Askarigaan ayaa sidoo kale ciidamada amaanka ku wareejiyay bastoolad nooceedu yahay Ceska oo uu isticmaalayay.
Shalay ayey ahayd markii ay soo baxeen wararka sheegaya in askariga waardiyaha ah uu ku xigeenka madaxa maamul goboleedka ka dhacay lacag dhan 3.5 million oo shilinka Kenya ah.
Mr Murithi oo arrintaas shaaca ka qaaday ayaa sheegay in lacagtaasi looga qaaday qori caaraddiis.
Laamaha amanka ayaa hadda wada baaritaanno la xiriira arrintaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *