Qasaare dhimasho ah oo ka dhashay Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Nigeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay gobolka Borno ee waqooyiga dalka Nigeria.
8 ruux ayaa ku geeriyootay halka ugu yaraan 15 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo la rumeysanyahay in ay fulisay haweeney nafteed hurto ah.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo soo raacay gaari rakaab ah oo ay dad kalena saarnaayeen.
Booliska Nigeria ayaa sheegay in meydka haweeneyda la tuhunsanyahay in ay is qarxisay iyo meydad kaleba laga helay wadada uu ka dhacay qaraxaasi oo ku taalla magaalada Maiduguri ee caasimadda gobolka Borno.
Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, hase ahaatee kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta Nigeria ayaa horay dusha ugu ridatay masuuliyadda weeraro noocaan ah.
Milatariga dalka Nigeria ayaa muddo sanado ah waday howlgallo ay kooxdaasi kula dagaalamayeen oo ka socday gobolka waqooyiga bari ee wadankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *