30 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Africada dhexe

Ugu yaraan 30 ruux ayaa lagu dilay halka 57 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay waddanka Africada dhexe ee uu qalalaasaha ka aloosanyahay.
Koox hubeysan oo ka tirsan fallaagada Seleka ayaa weerar ku waaday magaalo ku taalla Waqooyiga dalkaasi, weerarkaas oo dhaliyay isku dhaca qasaaraha badan dhaliyay.
Iska hor imaad hub culus la isku adeegsaday ayaa dhex maray dableyda iyo Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada midoobay oo ku sugn halkaasi Africada dhexe.
Ciidanka nabad ilaalinta ayaa ugu yaraan 12 dagaalyahan ku dilay dagaalkaas oo ka dhacay magaalada Kaga-Bandoro, sida lagu sheegay war bixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Weerarka ay kooxda hubeysan geysatay ayaa u muuqday mid aargoosi ah oo daba socday dil maalintii talaadada ahayd ee isbuucaan loo geystay nin xubin ka ah fallaagada Seleka.
Waddanka Africada dhexe ayaa qalalaase lugaha la galay sanadkii 2013-ki, kadib markii ay fallaagada muslimiinta ah ee Seleka xukunka ka tuureen madaxweynihii hore ee dalkaasi Francois Bozize oo ah masiixi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *