Booliska Kisumu oo dilay rag burcadnimo lagu tuhmay

Ciidamada booliska ee ku sugan maamul goboleedka Kisumu ayaa galinkii dmabe ee shalay toogasho ku dilay 4 nin oo burcadnimo lagu tuhmay iyagoo xabsiga u taxaabay hal nin oo kale.
Howl galkaasi oo ka dhacay deegaanka Kisian ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay qori noociisu yahay AK 47 iyo rasaas 10 wareeg ah oo ay burcadda la tuhmay isticmaalayeen.
Kooxdaan ayaa waxaa in dhawaaleba ku raad joogay ciidamo kala duwan oo ka tirsan laamaha amaanka, kuwaasoo isugu jiray ciidanka loo yaqaanno Flying Squad-ka iyo kuwa sida deg dega ah uga jawaaba dhacdooyinka amni darrada ah.
Booliska ayaa howlgalkaasi fuliyay kadib markii ay macluumaad wax ku ool ah ka heleen xubno ka tirsan shacabka oo u tilmaamay halka ay burcadda ku sugnaayeen.
Gudoomiyaha dhinaca amniga ee maamul goboleedka Bungoma Mohammed Maalim ayaa sheegay in koxda burcadda ah ay qorsheynayeen in ay fal dhac ah ka geystaan xaafadda Maboleo ee ka tirsan magaalada Kisumu.
Ragaasi la tuhmay ee ay booliska dileen ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca maamul goboleedka Siaya oo ku yaalla isla gobolka galbeedka dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *