Ababu Namwamba oo eedeyn u jeediyay dowlada countiga Busia

Ababu Namwaba oo ah hogaamiyaha xisbiga LPK ayaa ku eedeeyay dowlada maamul goboledka Busia in ay haysato maamul xumo kadib markii shaqaalaha caafimadka ay shaqo joojin ku dhaqaaqen.
Namwamba ayaa sheegay in dowlada countigaasi ay ku guuldareysatay in ay wax ka qabato howlaha caafimadka maadama ku dhawaad hal isbuuc isbitaalada dowlada ay maamusho aysan ka soconin wax shaqo ah.
Ababu oo sidoo kale xildhibaanka degmada Budalangi ayaa ugu baaqay gavanaha Busia iyo dowladiisa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabato dhibaatooyinka soo foodsartay shacabka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *