Mareykanka oo qorsheynaya weerar dhanka Internetka ah oo uu ku qaado Ruushka

Maraykanka ayaa doonaya in ay aargoosi toos ah ku sameeyaan Ruushka oo horey loogu eedeeyey weerar dhanka Internetka ah in ay maraykanka ka fuliyeen.
Maraykanka ayaa marar badan ku eedeeyey in Ruushku fuliyeen weeraro badan oo dhanka internetka ah kaas oo ay ku xadeen xog badan oo Maraykanku lahaa.
Sidoo kale waxaa Ruushka lagu eedeeyey in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan Doorashada 2016 ee Maraykanka iyagoo isticmaalaya weeraro Internetka ah.
Maraykanka ayaa hadda qorsheynaya in ay ka aargoostaan kooxaha Ruushku soo abaabuley ee weerarada intarnetka ah fulinaaya ee loo yaqaano (Seyba attak), kaas oo ceeb ku noqon doona hoggaanka Ruushanka, sida uu qorey Telefishanka NBC.
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa barnaamijka Meet the Press ee ka baxaTelefishanka NBC u sheegay in ay fariin u dirayaan Madaxa ruushka Vladmir Putin.
Koox la sheegay in ay taageerto Xukuumadda Ruushku ayaa u dhacay Xogta Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Kunbuyuutaradooda kadibna kala baxay xog aad u badan, taas oo lagu shaaciyey WikLeaks, waxayna taasi kaliftey in ay is casisho Guddoomiyihii Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Mrs. Debbie Wasserman.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *