Wakiilka Viwandani oo meesha ka saaray in uu daaqada ka tuuray mooshinka ka dhanka ah Kidero

Iyadoo lasoo tabinayay in dowlada maamul goboledka Nairobi ay nafis darentay kadib markii wakiilada countiga ay daaqada ka tuuren mooshinkii ka dhanka ahaa Dr Evans kidero oo lagu doonayay in xilka looga xayuubiyo ayaa hadana arintaas waxaa lagu tilmaamay mid been abuur ah.
Samuel Nyangwara oo ah wakiilka u matalo xaafada Viwandani oo mooshinka xilka looga tuurayo kidero hor geeyay aqalka hoose ee Nairobi ayaa lasoo sheegayay xilli hore ee saaka in uu warqad u qoray afhayanka aqalkaasi oo uu ku sheegay in uu ka labtay mooshinka.
Balse Mr Samuel ayaa warqdaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan sal iyo raadba toona la heyn islamarkaana uu wali ku taagan yahay mowqifkiisa ku aadan in xilka laga tuuro gavanaha.
Maxkamada sare ayaa goor sii horeysay ku amartay afhayanka aqalka Nairobi in dib loo dhigo dhageysiga mooshinka ka dhanka ah gavanaha ilaa amar dambe.
Maxkamada High Court-ka ayaa sidoo kale is hortagtay in wakiilada countiga ay u yeeran Dr Kidero si uu aqalka hortiisa iskugu difaaco taaso markii hore la qorsheynayay.
Shanta bishan October ayaa lagu waday in barasabka Nairobi uu soo xaadiro aqalka wakiilada si uu uga jawaabo eedeymaha loo jeedinayo.
Dr kidero ayaa lagu edeynayaa in uusan ahayn qof u qalma in uu noqdo madaxa Countiga Nairobi iyo in deyn badan lagu yeeshay Dowlada Countiga Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *