Dowlada oo ardayda dhigata dugsi ku yaalo countiga Kilifi u qeybisay 156 kompuyutar

Dowlada dalkan Kenya  ayaa 156  kamid ah nooca kompuyutarka yaryar ee  loo yaqaano  tablets u qeybisay ardayda dhigata dugsi ku yaalo maamul goboleedka Kilifi.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka  dowlada ay waxbarashada ku xoojineyso iyadoo adeegsanayo hannaanka casriga ee dijitaalka.

Wasiirka gaadiidka  James Macharia ayaa qalabkan gaarsiiyay ardayda  dugsiga hoose dhexe ee  Maryango ee kuyaala degaanka  Ganze  oo ka tirsan countiga Kilifi.

Ardayda ayaa markii dambe waxa  loo siiyay casharo ay bixinayeen sarakiisha  ku taqasusay macluumadka iyo isgaarsiinta teknoolojiyada loo adeegsado ee ICT-da.

Dhanka kale ardayda oo ay wajiyadooda farxad ka muuqato ayaa sheegay in  kompiyutaradan ay sara u qaadayaan natiijadooda maadama macluumad badan ay ka helayaan.

Kasichana Charo oo ah arday dhigata fasalka  1-aad ayaa yiri waxan ku faraxsanahay in  an hada isticmaali karo kompiyutarkan yar ,waana waa’ inoo baryay.

Isagoo waalidiinta iyo ardayda la hadlaayay ayuu Mr Macharia  sheegay in macalimiin dhan  66,000  la siiyay tababar ku aadan sida qalabkan loo isticmaalo.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowlada ay qorsheysay  in dhamaadka bishan tobnaad ee Oktobar ay 4,000  oo dugsi qalabkan u qeybiso.

Agaasimaha maamulka ICT-da  Robert Mugo ayaa xusay in barnaamijkan seddex wajiyood loo fulin doono.

Wajiyadan ayaa kala ah in dugsiyada koronto la gaarsiiyo, macalimiintana la siiyo tababar ku saabsan isticmaalka kompiyutarada  iyo in qalabka dugsiyada lagu rakibo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *