Dowlada oo diiwangelineysa howl wadeenada caafimadka ee u dhashay Kenya oo ku dhaqan Mareykanka

Safaarada Kenya ay ku leedahay  Mareykanka  ayaa wado  qorsho lagu xaqiijinaya tirada  rasmiga ah ee  shaqaalaha caafimadka ee u dhashay Kenya balse dalkaasi ku dhaqan.

Safiirka Kenya u fadhiyo Mareykanka  Robinson Njeru Githae ayaa dhamaan howl wadeenada kenyaanka ah ee ku kala nool 50-ka gobol ee Mareykanka ugu baaqay in ay isdiiwan galiyaan.

Bayaan maalintii jimcada ka soo baxay xafiiska safaarada  ayuu Mr Githae  ku sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in kenyaanka ku dhaqan qurbaha gaar ahanna mareykanka ay ka qeyb qataan horumarka wadankooda.

Dhanka kale howshan ayaa ah mid  la rabo in lagu  diiwan geliyo xirfadaha dhaqatiirta kenyaanka ah ee ku nool qurbaha  si ugu dambeyn loo sameyo urur ay aqoonyahaanadan ka tirsanyihiin.

Ururkan ayaa sidoo kale la doonayaa in uu wax ku biiriyo wanaajinta howlaha caafimadka ee dalka.

Wasaarada arrimaha dibada  iyo ganacsiga caalamiga ee Kenya ayaa arrintan bilowday iyadoo ay fulineyso waxda qaabilsan  arrimaha qurbajoogta.

Ugu dambeyntina  ambasadoor  Githae ayaa Kenyaanka ku dhaqan mareykanka gaar ahaanna kuwa shaqooyinka kala duwan ka haya  ay is diiwan galiyaan iyagoo booqanaya  shabakada safaarada  Kenya ay ku leedahay mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *