Senetarka maamul goboleedka Nairobi Mike sonko oo sheegay in uu heystay amar uu wakiil uga noqdo madaxweynaha dalka.

Senetarka maamul goboleedka Nairobi Mike Sonko ayaa   agaasimaha waxda dacwad oogista  mr. Keriako Tobiko  ku eedeyay in uu  si qaldan ku bartilmaamedsanayo kadib markii uu ku dhawaaqay in baaritaano lagu sameeeyo hadala uu senetarka   jeediyay.

Senetarka ayaa ku andacoonaya in mr. Keriako Tobiko  uu baaritaanada ku saleynayo cod la tafaftiray oo aan dhameystirneyn.

Sonko ayaa maalintii jimcada  munasabad aas lagu sameynaya oo ka dhacday  Mutungoni,  ee Athi River ka sheegay in uu yahay ku simaha madaxweynaha.

Dhanka kale qoraal uu sonko soo dhigay bartiisa twitarka ayuu eeda dusha uga tuuray mucaradka oo uu sheegay in ay keriako Tobiko cadaadis ku saarayaan in uu baaritaano sameeyo.

Munasabada ayaa ahayd  mid aas loogu sameynayay Dolamu Oduwole oo ahaa  odayga    Wavinya Ndeti oo ah haweeneyda  dooneyso in ay noqoto gavanaha  maamul goboleedka Machakos sanada 2017-ka.

Mr. Dolamu Oduwole  ayaa geeriyooday  kadib markii  uu dhigiisa cirka isku shareeray  in muda ahna uu qabay xanuunka dhiig karka ah.

Dhanka kale  Sonko oo edeymaha loo soo jeediyay iska  fogeeyay ayaa xusay  in uu cadeynayo in uu  ku adkeysanayo hadaladiisa ahaa in uu yahay qofka sedexaad marka la eego  dhanka bulshada iyo saameynta  siyaasadeed oo uu leeyahay.

Mr Keriako Tobiko  ayaa  taliyaha guud ee ciidamada booliska Joseph Boinnet  amar ku siiyay  in uu baaritaano ku sameeyo seneta Sonko isagoo sheegay in uu si aan haboneyn u dhaqmay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *