Wasiirka gadiidka oo sheegay in dowlada ay laami ka dhigi doonto wada dheerarkeedu yahay 4,000 oo kilomitir 4- ta sano ee soo socoto

Wasiirka wasaarada gadiidka ee dalka James Macharia  ayaa sheegay in dowlada ay qorsheeysay in 4-ta sano ee soo socdo  ay laami ka dhigto wada dhan 4,000  oo kilomitir.

Hadalkan ayuu wasiirku  jeediyay isaga oo ku sugan  Kakuyuni oo ka tirsan maamul goboleedka  Kilifi  kadib markii uu kormeer ku sameeyay  wadada Malindi – Sala Gate Road.

Mr Macharia  ayaa sheegay in sagaalkii bilood ee ugu dambeyay 1,981  kilomitir oo wada ah  guud ahaan dalka laami laga mariyay.

Sido kale wasiirka ayaa intaas ku daray in dowlada ay bartilmaamedsaneyso in 10,000 kilomitir ay laami ka dhigto.

Talaabadan ayaa loo arkaa in ay tahay mid wax ku ool ah oo maamulka jubilee ay qaadayaan maadama sida ay wararku sheegayan in tan iyo markii madaxbanaanida la helay kadib  laami laga dhigay  14,000 kilomitir oo wada ah keli.

Wasiirka ayaa xusay  in dowlada sida waxqabadkeedu uu muujinaya ay ka go’antahay in ay xaliso dhibatooyinka la xiriira kaabayasha wadooyinka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *