24 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay dalka Pakistan

Wararka ka imaanaya wadanka Pakistaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 24 qof ay dalkaasi ku dhinteen halka  in ka badan 70 kalena ay dhawacmeen  ka dib markii labo bas ay isku dhaceen.

Shilkan  ay ku nafwayeen rakaabkii labadan bas saarnaa  qaar ka mid ahna uu dhaawac soo gaaray ayaa ka dhacay  bartamaha wadanka Pakistan gaar ahaana  magaalada Khanpur  ee degmada  Rahim Yar Khan sida booliska laga soo xigtay.

Magaladan ayaa qiyaastii  800 oo kilomitir dhanka konfureed kaga began caasimada Islamabad.

Labadan bas  ayaa la sheegay  in ay saarnayeen 100 rakaab ah.

Jamshid Shah oo ah sarkaal ku sugan magaalada uu shilka ka dhacay in sababta keenta loo aaneynaya in baabuurta si xowli ah loo kaxeynaayay.

Mid ka mid ah labada bas ayaa  ka yimid Karachi kuna wajahnaa Lahore halka midka kale uu ka yimid dhanka  Faisalabad kuna sii jeeday Sadiqabad sida wargeysyada maxaliga ah ay qorayaan.

Dhanka kale sarkaalka ayaa intaas ku daray in dadka dhintay ay ka mid yihiin caruur iyo haween.

Dadka ku hoos jiro  basaska isku dhacay ayaa weli la soo samata bixinayaa.

Wadanka Pakistan ayaa waxaa ku badan shilalka oo ka dhashay wadooyin tayadoodu wanagsaneyn iyo baabuurta oo si xowli ah loo wado.

Ugu dambeyntina in ka badan 4,600 oo qof ayaa shilal ku nafwayay sanadii 2013-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *