Abaaraha ka jira maamul goboleedka Garissa oo saameyay boqolkiba 60 ee rayidka countigaasi.

Abaaraha ka jira qaar ka mid ah degaanada   hoos tago maamul goboleedka Garissa ayaa la sheegaya in ay saameyeen boqolkiba 60 ee  shacabka.

Dadkan abaaraha dhibateyeen ayaa   gargaar degdeg ah u baahan.

Gudoomiyada maamulka qaran ee maareya musiibooyinka ee NDMA  Agnes Ndetei  ayaa shalay iyada oo ku sugan sheegtay in abaarta ku dhufatay degaano ka tirsan dalka ay sii xumaaneyso.

Gavanaha  countiga Garissa Nathif Jamac ayaa dhankiisa sheegay in sida  macluumadka ay muujinayaan abaartan ay tahay midi ugu darneeyd ee sanado dhacdo.

Gudoomiyaha countiga Garissa James Kianda ayaa sheegay in 7 degaan oo ka tirsan countiga  ay u baahanyihiin gargaar cuno oo dhan 421 taan  bisha soo socoto.

Sido kale  degaanada  Hulugho, Fafi  iya  Ijara  ayaa ugu daran si weyna looga dareemaya saameynta abaaraha ay yesheen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *