Amaanka xuduudka Kenya iyo soomaaliya oo si weyn loo adkeeyay

Ciidamada amaanka  ee dalka ayaa ilaalo  xoogan ka haya xuduudka wadanka uu la leeyahay soomaaliya si loo xoojiyo  arrimaha nabad galyada ee deegaanada xadka ku teedsan.

Isku duwaha amaanka ee gobolka waqooyi bari Ambasadoor maxamud salax  ayaa xusay in ciidamo dheraad ah ay geyeen dhamaan 5-ta  bar kontorool ee ku dhow xadka Somalia.

Dhanka kale isku duwaha ayaa sheegay in talaabadan aan looga gol lahayn in dadka degan meelaha soohdimaha  ku dhow la  barakiciyo .

Hasa ahaate, ambassador salax ayaa sheegay in hadii loo baahdo in  soohdimaha  la xiro ay  arrintaas ay ka dhabeynayaan.

Maxamud Salax ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in amaanka maamul goboleedka mandera uu 15 –kii bilood ee ugu dambeyay soo wanaagsanaday marka laga soo tago weerarada  mar mar dhacay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *