Bangiyada iyo dukaamada waa weyn oo lagu amray in ay dhisaan musqul ay macamiishooda isticmalaan

Agaasimaha waaxda faya dhowrka mr. Kepha Ombacho  ayaa dhamaan subamaketyaada, bangiyada iyo guud ahaan xarumaha dadweynaha ay ka adeegtaan amar ku siiyay in macamiishooda ay ugu talagalaan  goob ay xaajadooda ku gutaan iyadoo aan lacag laga qaadin.

Agaasimaha ayaa sidoo kale ka dhawajiyay in wasaarada caafimadka  ay  wax kama jiraan ka soo qaadi doonto leesimada  xarumaha aan lahayn goob tayadeedu fiicantahay oo ay macamiisha  ka heli karaan adeegyada la xiriira suulida.

Mr Ombacho ayaa xusay in howlgaladan looga gol leeyahay in lagu yareeyo xanuunada ka dhasha  adeega suulida oo aan wanagsaneyn ama si fiican aan loo mareyn.

Dhanka kale , agaasimaaha ayaa sheegay in subamaketya badan oo ka jira dalka aynan musqulo lahayn, kuwa deegan lehna ay macamiisha lacag ka qadaan.

Xarumaha ganacsi oo aan amarkan waaxda kasoo baxay u hogaansamin, ayuu mr Ombacho sheegay in albaabada laisugu dhufanayo.

Agaasimaha ayaa hadalkan jeediyay   sabtidi oo taarikhdu ay ku beegneyd 15-ka Oktobar xiligaas oo loo dabaal dagayay  maalinta dunida ee  gacma dhaqa  oo lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee Hyrax Primary  oo kuyaalo maamul goboleedka Nakuru.

Mr Ombacho ayaa dhanka kale maamul goboleedyada ugu baaqay in ay  badiyaan  goobaha  gacmaha lagu dhaqdo ee ka jira cisbitaalada, dugsiyada, suuqyada, boostajada oo ayna  dabagal ku sameyaan sida adeegan loo isticmaalo.

Bilooyinkii ugu dambeyay sida uu agaasimaha sheegay  28 counti oo ka tirsan dalka ayaa laga soo tabiyay cudurada ka dhasha nadaafad xumida oona laga hor tagi karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *