Boqorkii ugu dambeeyay ee wadanka Rwanda Kigeli V oo Mareykanka ku geeriyooday

Boqorkii ugu dambeeyay ee wadanka Rwanda  laguna magacaabi jiray  Kigeli V,  ayaa  shalay ku geeriyooday Mareykanka  isagoo 80 sano jir ah sida lagu qoray shabakadiisa rasmiga ah.

Kigeli Jean-Baptiste Ndahindurwa  ayaa sanadii 1960 –kii wadanka ka cararay  kadib markii ay isku dheceen   guumeysigii  beljimka halka sanadii xigtay  ee 1961-dii   hanaankii boqortooyada meesha laga saaray.

Kigeli V ayaa wadamo kala duwan oo kamid ah qaarada Afrika sanado badan ku nool ka hor inta uusan 1992-dii u wareegin Washington ee Mareykanka.

Intii uu Mareykanka ku sugnaa  waxaa uu hogaamin jiray  hay’adda King Kigeli V Foundation si loo caawiyo qaxootiga wadanka Rwanda.

In kasta oo ilaa iyo hada aan la helin macluumad buuxa oo ku saabsan geerida hogaamiyahan hore,  waxay wararku intaas ku darayaan in sanado badan  uu sheegay  in uu dib ugu soo laabanayo dalkiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *